ISTICMAALKA MAANDOORIHA CARUURTA DARBI-JIIFKA AH EE WADOOYINKA KALA DUWAN DEGMADA BAYDHABO
HORDHAC Degmada Baydhabo, oo kamid ah magaalooyinka muhiimka ah ee Koonfurta Soomaaliya, waxay wajahaysaa caqabado badan oo dhinaca bulshada iyo caafimaadka marka ay timaado xaaladda caruurta darbi-jiifka ah. Isticmaalka maandooriyaha ee caruurta darbi-jiifka ah ee ku nool waddooyinka kala duwan ee degmada Baydhabo tusaale hadaan ka bixiyo ee wadooyinka ugu badan sida 4 irdoodka, Xarajaadka , kuwasoo u wajahaya dhibaato caafimaad iyo bulsho oo sii kordheysa. Caruurta, oo inta badan ka yimid qoysas burburay ama xaalado nololeed oo adag, ayaa ku tiirsan maandooriyayaal sida Garaabada , haashka , Xabagta (Koolo) iyo sigaarka si ay uga hortagaan gaajo, xanuun, iyo walbahaar. Isticmaalka maandooriyaha wuxuu noqday hab ay caruurta ku xalliyaan dhibaatooyinkooda maalinlaha ah, iyadoo ay sidoo kale saameyn ku yeelanayso caafimaadkooda maskaxeed iyo jireed. Qormadan kooban waxaan diirada ku saareyaa sedax arrimood oo muhiim ah; 1. Sababaha ay Caruurta u Isticma...