ISTICMAALKA MAANDOORIHA CARUURTA DARBI-JIIFKA AH EE WADOOYINKA KALA DUWAN DEGMADA BAYDHABO
HORDHAC
Degmada
Baydhabo, oo kamid ah magaalooyinka muhiimka ah ee Koonfurta Soomaaliya, waxay
wajahaysaa caqabado badan oo dhinaca bulshada iyo caafimaadka marka ay timaado
xaaladda caruurta darbi-jiifka ah. Isticmaalka maandooriyaha ee caruurta
darbi-jiifka ah ee ku nool waddooyinka kala duwan ee degmada Baydhabo tusaale hadaan ka bixiyo ee wadooyinka ugu badan sida 4 irdoodka, Xarajaadka, kuwasoo u wajahaya dhibaato caafimaad iyo bulsho oo sii
kordheysa. Caruurta, oo inta badan ka yimid qoysas burburay ama xaalado
nololeed oo adag, ayaa ku tiirsan maandooriyayaal sida Garaabada , haashka ,
Xabagta (Koolo) iyo sigaarka si ay uga
hortagaan gaajo, xanuun, iyo walbahaar. Isticmaalka maandooriyaha wuxuu noqday hab ay caruurta ku xalliyaan
dhibaatooyinkooda maalinlaha ah, iyadoo ay sidoo kale saameyn ku yeelanayso
caafimaadkooda maskaxeed iyo jireed. Qormadan kooban waxaan
diirada ku saareyaa sedax arrimood oo muhiim ah;
1. Sababaha ay Caruurta u Isticmaalaan Maandooriyaha
SaSameynta Caafimaad ee Isticmaalka Maandooriyaha
3. Sidee loo yarayn karaa isticmaalka
maandooriyaha
Sababaha ay Caruurta u Isticmaalaan Maandooriyaha
Ø
Saameynta Asxaabta: Caruurta
qaar waxay bilaabaan isticmaalka maandooriyaha si ay ugu biiraan kooxaha
darbi-jiifka ah ee kale kuwasoo noloshooda ku mashquuliya oo bara mandooriyaha.
Ø
Dhibaatooyinka Qoyska iyo Bulshada:Caruurtan
waxay ka cararayaan xaalado qoys oo adag ama xadgudubyo, taasoo keenta inay ku
biiraan kooxaha darbi-jiifka ah ee magaalada.
Ø Dhibaatooyinka
Caafimaadka Maskaxda iyo Jirka: Isticmaalka maandooriyahan wuxuu
sababi karaa xasuus lumis, dhibaatooyin dareen, iyo isbeddelada maskaxeed ee joogtada
ah. Sidoo kale, wuxuu keeni karaa cuduro sida xanuunada sambabada iyo
dhibaatooyinka wadnaha.
SaameyntaCaafimaad ee Isticmaalka Maandooriyaha
Isticmaalka maandooriyahan wuxuu
leeyahay saameyn caafimaad oo daran kuwaas aan meeshan ku xusaya 3 qodob aad
ugu badan;
Dhibaatooyinka Bulshada:
Caruurta darbi-jiifka ah waxay la kulmaan
faquuq, jirdil, iyo xadgudubyo, taasoo sii xumeysa xaaladooda.
Dhibaatooyinka Jirka:
Isticmaalka joogtada ah wuxuu keeni karaa cuduro sida xanuunada sambabada, dhibaatooyinka
wadnaha, iyo hoos u dhaca awoodda jirka.
Dhibaatooyinka Maskaxda:
Maandooriyayaashu waxay sababi karaan xasuus lumis, dhibaatooyin dareen, iyo
isbeddelada maskaxeed ee joogtada ah.
Ø Xaaladaha
Colaadeed iyo Dagaallada: Caruurta qaar waxay u isticmaalaan
maandooriyaha si ay uga baxsadaan xusuusta xanuunka leh ee colaadaha iyo
dagaallada, gaar ahaan kuwaaso ka soo barakacay tuulooyinka ku hareerasan
gobolka bay.
Ø Dhibaatooyinka
Dhaqaale iyo Fursad La'aanta: Caruurta qaar waxay u isticmaalaan maandooriyaha
kuawasoo aysan helin tageero walid wayo
waxaa meeesha ka wayeen daryeel la,aan.
Ø Xiriirka Qoyska iyo Bulshada: Dhibaatooyinka qoyska iyo bulshada, sida faquuq, xadgudub, iyo dhibaatooyinka kale, waxay caruurta ku riixaan inay u isticmaalaan maandooriyaha si ay uga baxsadaan xaaladaha adag.
Sidee loo
yarayn karaa isticmaalka maandooriyaha
1.
Wacyigelin & Waxbarasho
·
Barnaamijyo wacyigelineed oo bulshada dhexdeeda
(kulan bulsho, idaacadaha, deegaanka) si looga hadlo halista maandooriyaha.
·
Ku dar maaddooyin ka hortag ah dugsiyada iyo
xarumaha bulshada si carruurta loo baro xirfadaha go’aanka, iska caabinta
saameynta saaxiibbada.
·
Adeegsiga “street educators” shaqsiyaad gaara oo
la socda caruurta waddooyinka, la hadla, u gudbiya farriimo caafimaad sida uu talinayo buugga WHO ee “Working with
Street Children”.
2. Taageero Qoys iyo Bulsho
·
Dib
u xooji xiriirka caruurta la leh qoysaskooda sida la-talin qoys, isku xirka
hay’adaha bulshada, barnaamijyo taageero dhaqaale iyo bulsho.
·
Abuur
fursado bulsho (xarumaha dhalinyarada, ciyaaraha, habab hal-abuur leh) si
caruurta looga mashquuliyo, loona yareeyo waqtiyada firaaqada halista ah.
·
Kor
u qaad nidaamyada taageerada bulshada
saaxiibbo, hoggaamiyeyaal bulsho, xirfadlayaal si caruurta loogu abuuro deegaan taageero
leh.
3.
Daaweyn &
Dib-u-habayn
·
Samee barnaamijyo daaweyn (rehabilitation) oo u
gaar ah caruurta, oo isku dara daaweyn caafimaad, la-talin maskaxeed, iyo
xirfadaha nolosha.
·
Adeegso hababka caafimaadka-dhaqanka (behavioral
therapies) sida Adolescent Community Reinforcement Approach (A-CRA)
taas oo ka caawisa dhalinyarada inay helaan waxyaabo beddel ah oo noloshooda
taageera inta aanay u leexan maandooriyaha.
·
Xuduud la-talin joogto ah, kooxo isku taageera
(support groups), iyo hababka la socodka dib u dhac (relapse prevention).
4. Xeerar & Maamulka Soo iibsiga Maandooriyaha
·
Xoojinta
sharciga iyo maamulka si looga hortago in maandooriyeyaasha ay si sahlan u
helaan carruurta tusaale hadaan ka
bixiyo iibinta maandooriyaha, alaabaha khatarta
leh, iyo kormeer buuxa.
·
la
shaqaynta ciidamada ammaanka, hay’adda deegaanka, iyo bulshada si loo baaro lagana
hortago suuqyada sharci-darrada ah ee maandooriyaha ay ku iibiyaan .
5. Isku Xirka Hay’ado & Kheyraad
·
Hay’adaha
dowladda, NGO-yada, ururada bulsho, iyo hay’adaha caafimaadka waa in ay
iskaashi sameeyaan, iskuna arkaan qorshe istiraatiiji ah oo waara kuwasoo ka
hortaga dhibaatoyinka mandooriyaha lagu cirib tiri lahaa.
·
Xildhibaano
iyo maamul lokal ah in la wacyigeliyo si ay u dejistaan miisaaniyad ku filan oo
loogu talagalay ka hortagga iyo daaweynta maandooriyaha.
·
Si
loo abuuro xarumo loo dhan yahay oo
caruurta darbi-jiifka ah ay ka heli karaan adeegyada ay u baahan yihiin
sida caafimaad, la-talin, waxbarasho iyo
taageero bulsho.
6. Barnaamijyada Dib-u-habaynta & Isdhexgalka
·
Marka
caruurta lagu guuleysto in la joojiyo isticmaalka, in dib loogu soo celiyo
bulshada iyagoo la siinaya fursado waxbarasho, xirfado shaqo, iyo taageero la
socod (aftercare).
·
Barnaamijyada
dib-u-soo-celinta qoyska (family reintegration programs) si caruurta aan si
joogto ah u sii joogin waddooyinka.
·
Si
loogu daro ciyaaro sida fanka, hal-abuur leh (art, muusig, isboorti) qayb ka
mid ah barnaamijyada si caruurta loo dhiirrigeliyo isticmaalka waqtigooda.
GUNAANAD
Isticmaalka
maandooriyaha ee caruurta darbi‑jiifka ah waa dhibaato ballaaran oo saameyn
dheer leh mid caafimaad, mid nafsi iyo
mid bulsho. Caruurta ku tiirsan maandooriyahan waxay lumiyaan fursado badan oo
nolosha ah waxay la kulmaan cuduro,
dhaawac maskaxeed, joojis waxbarasho, iyo halis badan oo nafsi ah.
Si
kastaba, xaqiiqadu waxay tahay in xal dhab ah jiro badanaa waa mid isku dhafan
oo ka bilaabma wacyigelin, taageero bulshada qoys, barnaamijyo
daaweyn iyo dib‑u‑habayn, iyo cawaaqib sharci iyo maamulka. Marka
hay’adaha dowliga ah, NGO-yada, bulshooyinka deegaanka iyo qoysaska ay si
wadajir ah uga shaqeeyaan, waxaa suurtagal ah in la yareeyo isticmaalka
maandooriyaha, loona abuuro mustaqbal ifaya oo caruurta ka baxsan waddooyinka.
Best Regards,
Abdullatif Mohamed Samow
Email; garadabdiladif@gmail.com
WhatsApp; +252617286435
Comments
Post a Comment